Ciidamada dowladda Itoobiya oo TPLF ka qabsaday saddex magaalo oo istiraatiiji ah

Bulsha:- Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay Talaadadii, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koofurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.


Afhayeenka ciidamada Tigreega ayaan ka jawaabin codsi la xiriira hadalka dowladda, iyadoo dhinaca kale, maamulka Tigraygu ay qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.

Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. Waxay magaaladan martigelisaa tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo gataan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo ay sii kordhayso maciishaddu iyo cabsida laga qabo in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladaas.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa talada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment