Wasiir Fiqi oo IOM kala hadlay taageerada dagaalka Shabaab.

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Xasan ayaa waxaa dhanka hey’adda IOM hoggaaminayey David Womble oo ah isu duwe sare xagga mashaariicda, waxaa kale oo ku wehliyey qaar ka tirsan howlwadeennada xafiiska hey’adda ee Soomaaliya.

Inta uu shirka socday arrimaha ay labada dhinac xoogga saareen waxaa ka mid ahaa dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, arrimaha xasillinta iyo guud ahaan dib u heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey wadashaqeynta ay hey’adda IOM la leedahay wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda, isaga oo intaa raaciyey in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.


Mudane Fiqi ayaa adkeeyey in kulankan iyo midkii ka horreey iyo kuwa soo socdaba uu ujeedku yahay howlo farsamo oo looga arrinaanayo xoojinta dadaallada lagu taageerayo dagaallada ka dhanka ah argigixisada Al-shabaab, sidii ay usoo kaban lahaayeen deegaannada howlagallada ka socdaan iyo weliba xasilllintooda, iyada oo ay meeshana ka marneyn dib u heshiisiinta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment