XOG:- Sidee Taliban wax uga qaban karaan, dalkaas oo laga beero 80% daroogada Opium-ta ee dunida laga isticmaalo?

Bulsha:- Ururka Taliban ee la wareegay xukunka dalka Afghanistan ayay hortaallaa hal-xidhaale ah, sidii ay wax uga qaban lahaayeen, ka ganacsiga maandooriyaha Opium-ka, maadaama uu dalkaasi kaalinta koowaad kaga jiro beerista iyo soo saarista maandooriyahaas.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in sannadkii hore ee 2021, in kooxaha ka ganacsada maandooriyayaashu, inay iibiyeen maandooriyayaal lacagtoodu gaadhayso $1.8 billion illaa $2.7 billion oo dollar, taasoo u dhiganta 12% illaa 14% wax-soosaarkii guud (GDP) ee dalka Afghanistan ee sannadkii 2021.

Ururka Taliban ayaa si xoog leh ula dagaalamay maandooriyayaasha lagu beero dalkaas, markii ay xukunka haysteen, wixii ka horreeyey sannadkii 2000, hase ahaatee labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa sare u kacay beerista iyo ka ganacsiga maandooriyayaasha, inkasta oo marar kala duwan xabsiga la dhigay kooxaha ka ganacsada maandooriyayaasha.

Qaramada Midoobay iyo saraakiil ka tirsan xukuumaddii hore ee Afghanistan ayaa sheegay inay xukuumaddii hore ee Afghanistan ay marar kala duwan tallaabo ka qaadday kooxaha ka ganacsada maandooriyayaasha, iyada oo sannadkii 2020 oo keliya xidhxidhay illaa 3,100 qof, halka ay la wareegtay illaa 80,000 oo kiiloo oo Opium ah, isla markaana ay baabi’isay beero gaadhaya illaa 1,000 hektar.

Waxaa caqabad weyn ahayd iyada oo aanay ciidamada boolisku tegi karin, meelaha fogfog ee ay ku yaallaan beeraha laga beero maandooriyayaasha kala duwan, hase ahaatee Javid Qasim oo hore u soo noqday wasiir ku xigeen qaabilsan dhinaca la dagaalanka mukhaadaraadka ayaa sheegay in ururka Taliban uu sheegtay inuu gacanta ku hayo dhulalkaas [ay ku yaalliin beeraha laga beero mukhaadaraadka], wuxuuna yidhi “haatan waxaa hortaalla inay si fudud tallaabo uga qaadaan” ayuu yidhi Javid Qasim.

Tixgelin dhaqaale?

Dakhliga ka soo xerooday iibka Opium-ka ayaa waxaa lagu qiyaasay inta u dhexeysa $1.8 bilyan ilaa $2.7 bilyan, kaas oo noqonaya 12% ilaa 14% GDP-ga dalka Afgaanistaan ee sanadkii 2021.
Waxaa la sheegay in markii ay ciidamada reer galbeedku ka baxeen dalka Afghanistan, in bulshada halkaas ku nool ay soo foodsaartay saboolnimo darani. Vanda Felbab-Brown oo ka tirsan machadka Brooking Institute ayaa VOA u sheegay in ka ganacsiga daroogadu inuu noqday il dhaqaale oo muhiim u ah dadka saboolka ah.

In tallaabo adag laga qaado kooxaha awoodda badan ee ka ganacsada daroogadu, waa arrin adag xilligan, maadaama ay dalkaas ka jirto saboolnimo darani, ayay sheegeen khubaradu.

Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey ururka Taliban inay lacag ka badan $400 oo milyan oo dollar ay ka sameeyeen ka ganacsiga mukhaadaraadka intii u dhexeysay sannadihii 2018 iyo 2019, hase ahaatee ururka Taliban ayaa beeniyey inay ku lug yeesheen ka ganacsiga daroogada.

Kaliya maaha shaqo Taliban

Intii uu Maraykanku ku sugnaa dalka Afghanistan, lacag ka badan $8.82 bilyan dollar ayuu ku bixiyey muddo labaatan sano ah, mashaariic la xidhiidha ka hortagga maandooriyayaasha ee dalka Afghanistan, sida laga soo xigtay Kormeeraha Guud ee qaabilsanaa dib u dhiska dalka Afghanistan.


Arrimaha keenaya in Maraykanku uu lacag intaas le’eg ku bixiyo la dagaalanka mukhaadaraadka dalka Afghanistan ayaa ah, iyada oo dalkaasi soo saaro in ka badan 80% maandooriyaha Heroin-ka ee dunida oo dhan laga isticmaalo.

Dalka Afghanistan ayaa sameeyey wasaarad u gaar ah la dagaalanka mukhaadaraadka, hase ahaatee waxay marwalba kaalinta koowaad ka galaan dalka ugu badan ee soo saara Opium-ka dunida oo dhan.

Warbixinta waxaa qortay VOA News










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment