Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay sarkaal sare oo tirsanaa Al-shabaab

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeella Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Carab oo ahaa ku xigeenka Al-shabaab ee maleeshiyada deegaankaas.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo uu ka mid ahaa nin lagu sheegay Cusmaan Daa'uud oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-shabaab ee Mubaarak.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay 'ku aruurin jirtay lacagaha ay xoogga uga qaadato shacabka gobolka Shabeellaha Hoose.'


"Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa shacabka, waxaa ka go'an tirtirista argagixisada Al-shabaab" ayuu lagu yiri bayaankaa wasaaradda warfaafinta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment