DFS oo ku dhawaaqday in gurmad Caafimaad la gaarsiin doono degaannada laga saaray Al-Shabaab

Bulsha:- Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan  daadajinta iyo bixinta adeegga caafimaadka ee loogu talagalay qeybaha bulshada.

Wasiirka oo ka qeybgalaya Baranamij ka baxayay Warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in Wasaaradda Cafimaadka ay diyaarisay qorshihii ay adeegyo caafimaad ku gaarsiin laheyd deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in lixda bilood ee soo socota loo howlgali doono qalabeynta cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.


Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Cali Xaaji Aadan  ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqaajinta , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,isagoo qiray in dhinacooda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xagga caafimaadka ee loogu talagalay dadka ku barakacay abaaraha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment