Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si carro leh uga jawaabay hadalkii Xildhibaan Xusul

Bulsha:- Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka in Dad Soomaaliyeed oo Al-Shabaab la dagaalamayo uu eedeeyo.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in eedeynta Xildhibaanka ay tahay dareen u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guddoonka Golaha shacabka in si hoose loo eego una u baahanyahay baaris Sharciyadeed Xildhibaankaas.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in xildhibaanka maanta Eedeynayo Ciidamada Dib u xoreynta degaannada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-Shabaab Deegaanka uu matalo aay haystaan Al-Shabaab midaasna ay tahay  oo ah nasiib daro weyn in uu ka hadlo Dad soomaaliyeed oo iska celinayo Al-Shabaab Dhulkoodana ka xureeynayo.


Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyay in cidwalbo oo ka hortimaado kacdoonka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay hiil u tahay taas oo aheyd dareen ay dhibsanayeen Abaabulka Shacbiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment