Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo farriin culus u dirtay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

Bulsha:- Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil oo muddo sanad ka badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo maanta shir jaraaid qabatay ayaa madaxda dalka ka codsatay in la dardar-geliyo kiiska gabadheeda.

Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan weli caddaalad helin, iyada oo xustay in madaxda dowladda cusub ay ahaayeen kuwii hore laabta ugu tumay kiiska gabadheed oo muddo badan maqan.

“Waxaa la aamusna baryahaan dowladda cusub ee timid oo og, ballan-qaaday ayaa la aamusna. Bal sug ayaa ku aamusna ee kuma aamusni in laaluush la isiiyay dulmane ayaa ahay gabadhaydii raq iyo ruux ma haayo. Qof ayaa inta uu dhinto laga samra oo la duugta,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay Hooyada Ikraan sheegtay in dowladda cusub ay ka fileysay inay ka shaqeeyaan cadaalad u helida gabadheeda, ayada oo Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA ka dalbatay inay dhaqaajiyaan kiiskii ay shalay u ololeynayeen cadaalad u helidiisa.


“Shalay waxaa u ololeynayseen in Ikraan cadaalad hesho oo qofkasta oo Soomaaliyeed oo cadalad daro hayso uu cadaalad helo. Wax iisoo socda waa la’ahay waxa codsanaya in wax laga qabto kiiska gabadhay waa kiis dhibaato weyn xambaarsan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Xasan Sheekh oo muddo kiiskan ku weerari jiray madaxweyne Farmaajo ayaa meel iska dhigay markii uu kursiga ku fariistay, waxaana ay hadda u muuqataa in qeylo dhaantiisa ay aheyd oo kaliya dano siyaasadeed.

Kiiska Ikraan oo hore dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xoogan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment