XOG: Agaasime loo magacaabay Villa Somaliya oo lagu helay dembi culus

Bulsha:- Dhawaan waxaa jirtay in tuhun soo galay agaasime loo magacaabay waax katirsan Madaxtooyada Soomaaliya,kaas oo xitaa ka ag dhawaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa baaritaan ku sameeyey sargaalkaasi tuhunka galay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Khaliif,waxaana laga laabtay xilkii loo magacaabay.

Maxamed Khaliif ayaa qeyb ka ahaa wafdigii madaxweyne Xasan Sheekh deegaanada Puntland uraacay,waxaana tuhunka soo galay uu yahay inuu katirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Agaasimaha waaxda howlaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Cabdi Khaliif balse xilkaasi laga laabtay ayaa saacado ka hor loo magacaabay Cabaas Yuusuf Cabdalla oo hore saxafi u ahaan jiray.

Walaac weyn oo dhinaca amniga ah ayaa ka jira Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada kadib markii la sheegay in xubno katirsan Kooxda Al Shabaab ay ka mid noqdeen xafiisyada Madaxda qaarkood.

Agaasimaha baarista kusocota ayaa la sheegay inuu kusugan yahay qeybo ka mid ah muqdisho oo uu taleefoonada dansaday islamarkaana la waayey xiriirkiisa,xilli NISA ay sheegtay inay kudaba joogto.

Ninkaan la raadinayo ayaa mar loo xiray sanadkii 2016-kii ka mid ahaanshiyaha Ururka Al Shabaab balse xildhibaano beeshiisa ah ayaa markaasi xabsiga kasii daayey farsamooyin ay adeegsadeen awgeed.

Ma jirto macluumaad intaas ka badan oo laga helay arinta Agaasimahaasi la magacaabay ee Shabaabka katirsanaa hadana baxsadka ah ee Nabad sugida baadi goobeyso,xilli la dhigay sawirkiisa Garoonka diyaaradaha Muqdisho uuna ka duuli karin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment