Aqalka Cad oo ka walaacsan xaalad la saadaaliyey inay Soomaaliya geli karto

Bulsha:- Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan xaaladda macluusha ee la saadaaliyey inay Soomaaliya geli karto bilaha October illaa December.

"Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini'aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo," waxaa sidaas yiri la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

"Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba" ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo intaas raaciyay "Macluusha iman karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah."

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka derisa aysan weli kasoo kabsan saameyntii COVID-19.

"Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini'aadanimo iyo ka dhigista gargaarka mid qaaliga ah, isla markaana xaddiday gaaritaankiisa" ayuu yiri Jake Sullivan.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya uu ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, laakiin wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo, iyo gargaar,.


Sullivan ayaa sheegay inay lama huraan tahay in beesha caalamku ay si degdeg ah wax uga qabato, si loo badbaadiyo nolosha, loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment