Wasiirada ugu muhiimsan Britain oo markii ugu horreysay laga waayay nin caddaan ah

Bulsha:- Ra’isul wasaaraha cusub ee Britain Liz Truss, ayaa soo xushay gole wasiirro oo markii ugu horraysay nin caddaan ahi aanu qaban doonin mid ka mid ah afarta jago ee ugu muhiimsan ee dalkaas.

Truss ayaa u magacawday Kwasi Kwarteng – oo waalidkiis ay ka timaadeen dalka Ghana 1960-meeyadii – in uu noqdo wasiirkii maaliyadda ee ugu horreeyay ee Madow ee Britain, halka James Cleverly uu yahay wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay oo Madow ah.

Cleverly, oo hooyadiis ay kasoo jeeddo dalka Sierra Leone, aabihiina uu yahay caddaan, ayaa marar hore ka hadlay in la cunsuriyeeyay isaga oo ay iska dhaleen caddaan iyo madow, waxaanu sheegay in xisbigiisu ay tahay inuu wax badan ka qabto sidii uu u soo jiidan lahaa codbixiyayaasha Madowga ah.

Suella Braverman, oo waalidkeed ka yimaadeen Kenya iyo Mauritius lixdan sano ka hor, ayaa bedeli doonta Priti Patel oo ah xoghayaha arrimaha gudaha, ama wasiirka arrimaha gudaha, halkaas oo ay mas'uul ka noqon doonto booliiska iyo socdaalka.

Dowladaha Ingiriiska ayaa ilaa dhawr iyo toban sano ka hor waxa ay ka koobnaayeen rag caddaan u badan, iyada oo qaadatay ilaa lagaa soo gaaray sanadkii 2002 in Britain ay soo magacawdo wasiirkeedii ugu horreeyay ee qowmiyadaha tirada yar markii Paul Boateng loo magacaabay xoghayaha guud ee maaliyadda.


Si kastaba ha ahaatee, qaybaha sare ee dowladda, garsoorka, shaqaalaha, iyo ciidamada ayaa weli u badan caddaan.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment