Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray madaxda maamul Goboleedyada+hal caqabad oo taagan

Bulsha:- Illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in  Shirka Wadatashiga Qaranka la filayo inuu ka dhaco Muqdisho 11-ka bishan Sebtember sanadkan aan ku jirno 2022-da.

Balse, waxaa ku xiran hal caqabad,  taasoo ah in madaxda maamul goboleedyadda ay ogolaadaan martiqaadka uu u fidiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxda maamuladda waa fahansan yahay in madaxwayne Xasan Sheekh ka doonayo sawir-wadareed kahor inta uusan u duulin magaalada New York iyo shirka sanadlaha ee UN-ka,” ayuu yiri qof war-gal ah.

Kulanka loo-dhan-yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo inta u dhaxeysa 20-ka illaa 23-ka bishan aan hadda ku guda jirno ee September.

“Waxay dhaqan u noqotay Villa Soomaaliya in ay shir isugu yeerto madaxda maamuladda ka hor inta aysan madaxda adduunka kula kulmin New York, iyagoo muujinaya sawirka midnimada,” ayuu raaciyey.


Bahwadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka ayaa si isa soo taraysa uga dalbanaya dowladda federaalka in ay hoggaanka u qabato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad fursad helay ayaa la filayaa inuu dhawaan u safro Sacuudiga, halkaas uu ka gudbinayo codsi taageero dhaqaale oo loogu talagalay abaaraha iyo ciribtirka maleyshiyadda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment