Maleeshiyaad ku qarqamay Webi xilli ay ka cararayeen duqeymaha Nigeria

Bulsha:- Tiro kamid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla dalka Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada ka wadaan gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Brono, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka amniga qaabilsan.

Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoostaga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.

Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen kadib weerarrada maleeshiyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment