Qarax lala beegsaday safaaradda Ruushka ee Kabul oo ay ku dhinteen lix qof

Bulsha:- Qarax ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dalka Ruushku ku leeyahay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, ayay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo ka mida shaqaalaha safaaradda.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka iyo goobjoogayaal kala duwan ayaa sheegtay in “qof ismiidaamiyey oo aan weli la aqoonsani inuu isqarxiyey" ka dib markii uu diblomaasi Ruush ahi u soo baxay barxadda hore ee safaaradda, si uu u akhriyo magacyada muwaadiniin u dhashay dalka Afghanistan oo saf ugu jiray inay qaataan dal ku galka Ruushka.

Illaa hadda xog badan lagama bixinin xaaladda diblomaasiga la bartilmaameedsaday.

Khalid Zadran oo ah afhayeenka booliska ee Kabul ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey inuu fuliyey weerarka lala beegsaday safaaradda Ruushka, hase ahaatee wuxuu sheegay afhayeenku in ciidamada ilaalada ee Taliban inay dileen qofka ku hubaysnaa walxaha qarxa, ka hor intii aanu gaadhin bartilmaameedka uu u socday.

“Qofka is qarxiyey wuxuu damcay inuu isku dhex qarxiyo dadka safka ku jiray, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay oo toogtay ka hor intii aanu gaadhin halkii uu u socday, taasoo keentay inuu markiiba is qarxiyo” sidaasi waxaa bartiisa twitterka ku soo qoray afhayeenka ciidanka booliska ee Kabul.

Afhayeenka Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey dhimashada afar qof oo rayid ah oo reer Afghanistan ah, isagoo intaas ku daray inay weerarkan ku dhaawacmeen illaa toban qof oo kale.


Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay weerarka safaaradda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment