Saxafi toorray lagu dilay, magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka

Bulsha:- Las Vegas – Saxafi ka tirsanaa wargeys ka soo baxa magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalkan Maraykanka ayaa toorray lagu dilay isaga oo ku sugan barxadda gurigiisa, waxaana boolisku ay sheegeen inay haatan baadigoobayaan eedaysanaha lagu tuhmayo inuu ka dambeeyo falkan.

Saxafiga la dilay oo lagu magcaabo Jeff German oo ka tirsanaa wargeyska Las Vegas Review-Jornal, ayaa caan ku ahaa warbixinada baadhista ah, isaga oo wax ka qori jiray wararka la xidhiidha maxkamadaha, siyaasadda, shaqaalaha, arrimaha dawladda iyo weliba dembiyada abaabulan.

Saraakiisha booliska ee Las Vegas ayaa meydka saxafiga helay abbaaro 10:30 subaxnimo wakhtiga Las Vegas, ka dib markii ay heleen telefoonka gurmadka degdegga ah ee 911, sida uu qoray wargeyska Las Vegas Review-Journal.

Wararka ayaa sheegaya in saxafigan oo 69-jir ah la tuhunsan yahay inay isku dhaceen qof kale, taasoo keentay la toorayeeyo, waxaana boolisku ay rumaysan yihiin in falkani aanu ahayn mid abaabulan oo dad badani ay ku lug leeyihiin, hase ahaatee uu ku kooban yahay oo keliya shakhsiga geystay.

Glenn Cook oo ah tifatire sare oo ka tirsan wargeysa ayaa sheegay inaanu saxafiga la dilay la wadaagin wax xog ah oo muujinaysa inay cidi u hanjabtay ama ay naftiisu halis ku jirto.


Jeff German ayaa wargeyskan ku biiray sannadkii 2010, isaga oo wax ka qoray dhacdooyin badan oo waaweyn sida weerarkii ka dhacay Las Vegas sannadkii 2017 ee lagu dilay 60-ka qof, sheekooyin la xidhiidha gefafka ay dawladdu gasho, fadeexado siyaasadeed oo uu warbixino ka qoray iyo weliba sheekooyin kale oo xiiso leh.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment