Daawo:- Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Buulo-Burde

Bulsha:- Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa  sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegganno hoos taga demada Buulo Burde ee gobolkaas, kadib markii ciidanku ay howlgallo ku qaadeen deegaanno dhor ah, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gu’doomiyey degmada.

Ciidanka ayaa howlgalladooda ku gaaray deegaannada  Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, iyaga oo sheegay in ay sidoo kale y gacanta ku dhigeen Doomo ay isticmaalayeen Wabiga si ay uga qaataan saadka ay u baahan yihin sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaannada lala wareegay ay Al-shabaab u ahaayeen marin muhiim ah oo ay isaga gidbaan goboolada Shabeellooyinka iyo Hiiraam, waxaana  ay sheegeen in howlgalkaay  sii wadayaan tan iyo inta Al-shabaab ay ka saarayaan gobolka Hiiraan oo ay howlgallo kale duwan ka wadaan,

Ciidamada xoogga iyo Macawisleyda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka Dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadeen gobolka Hiiraan ,iyaga oo la wareegay deegaanno ka dhaca waqooyiga iyo galbeedka gobolka, Alshabaab ayaa dhowaan Hiiraan ku dilay 20 ruux oo shacab ah iyaga oo sidoo kale gubay gaadiid.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment