Daawo:- CC Sharmaarke oo ka hor yimid muddo kororsiga Axmed Madobe iyo aamusnaanta DF?

Bulsha:- Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore si weyn uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in hadda ay taagan tahay eed ah inuu wax ku qaban waayey muddo dheer oo uu xafiiska joogo, isaga oo ah  madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in muddo kororsiga uu sidiisaba lid ku tahay dimuquraadiyadda, wuxuuna tilmaamay in marna aan la ogolaan.

“Ninka fakirka keenayo ee leh waxbaan ku darsanayaa waa nin aan dimuquraaddiyad ka shaqeyneynin, waana inaan marna laga ogolaan aniga hadda waa ka hadlay markii Jubbaland ay tiri waan ku darsanay,” ayuu wareysigaana ku yiri, ra’iisul wasaarihii hore.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday aamusnaanta dowladda dhexe, kadib tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin qatar ah.

“Dowladda federaalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhacaya dowlad goboleedyada, Moral Authority-geeda ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku darsanay, dowladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tiraahdo waan diidnay,” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Jiritaankeenna aniga waxaan aaminsanahay inay ku xiran tahay inaan saxno waxyaabaha aan ku kala tageyno oo dhan,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisad siyaasadeed oo xoogan ay ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Axmed Madoobe oo ay dhowaan hal sano oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment