Ra'ila Odinga oo sheegay in uu ixtiraamayo go'aanka Maxkamadda Sare ee Kenya

Bulsha:- Musharrixii doorashada lagaga guuleystay ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in uu ixtiraamayo go’aan kasoo baxay maxkamadda sare oo ay ku taageertay guushii uu ka gaaray musharraxa kale ee la loollamay doorashada ee William Ruto, inkastoo uu sheegay in uu “si weyn uga soo horjeestay”.

“Waxaan mar walba u taaganahay sarreynta sharciga iyo dastuurka, arrintaasi waxaan ku ixtiraameynaa fikirka maxkamadda, in kasta oo aan si weyn uga soo horjeedo go’aankooda maanta,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray kadib go’aan mideysan oo ay maxkamaddu gaartay.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra'isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.


"Tani waa go'aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay," ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment