Saldhigii ugu weyna Al-shabaab ee gobolka Hiiraan oo la weereray

Bulsha:- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa Xalay howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq Aqable oo u dhaxeeya magaaloyinka Baledweye iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka Xalay ciidanka Danab ka fuliyeen Buq Aqable ayaa la sheegay in si gaar ah ciidanka u beegsadeen Saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen deegaankaasi oo ahaa Saldhiga ugu weyn ee Shabaab ku lahayeen gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa Saldhiga ay beegsadeen ciidanka Kumaandooska Danab.

Taliye Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay xarumo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaas ahaan 90 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.


Deegaanka Buq Aqable ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab u ahaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay Saldhigooda ugu weyn oo ay ku lahayeen gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaani uu noqonaya kii ugu cusla ee mudadaasi ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyaan deegaankaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment