Militariga Soomaaliya oo dilay 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

Bulsha:- Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada militarigu ka fuliyeen deegaanka Aboorrey oo 25-kiilo mitir dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka, shan askri oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhaawacyo kasoo gaareen dagaalkan.

"Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga" ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliyaa.

"Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabk." ayuu raaciyay bayaanka dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa ciidamada militariga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macowsleyda ay dagaallo xooggan kula jireen maleeshiyada Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Galguduud.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaawaan iclaamiyay dagaal ka dhan maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo uu ku sheegay in dalka looga sifeynayo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment