DFS oo shaacisay sida loo shirqoolay nabadoono qarax lagu dilay, iyagoo Shabaab u socda.

Bulsha:- Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay weerar xalay lagu dilay nabadoono ka tagay Beledweyn, kuwaasoo ku sii jeeday deegaan ay maamusho Shabaab, si ay uga soo daayaan dad ay ka xirteen.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in Saddex Nabadoon halkaasi lagu dilay, halka mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo Nabadoonadan ay ka soo jeedeen beesha Baadicadde.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah: 
(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.
(2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji
(3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada waxey sheegtay in dilkan uu ahaa shirqool loo dhigay nabadoonada oo horay isaga diiday in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan.

“Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan” ayaa lagu sii daray warka.

Wasaarada arrimaha gudaha oo tacsi u dirtay qoyska marxuumiinta ayaa dhinaca kale ku baaqday in meel looga soo wada jeesto kooxdan oo caadeysatay gumaadka shacabla.


“Wasaaraddu waxaa ay u tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen, waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, lana garab istaago kacdoonada ka dhanka ah argagixisada ee la isaga xoraynayo gaboodfallada kooxda Shabaab”.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment