Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan gaar ah aqalka Pentagon-ka kula qaadan doona xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin – sida ay sheegtey Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.
Wasaaradda gaashaanshigga oo war kooban soo saartay waxay sheegtay in Kulan kaan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal.
“Xoghayaha difaaca Mareykanka waxa maanta oo Khamiis ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhoweyn doonaa Pentagon-ka saacadda marka ay ay tahay 12:30 PM [7:30 PM xilliga Muqdisho], kulankaas oo ah oo ah xoojinta xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Austin
Mareykanka ayaa qorsheynayaa inuu ballaadhiyo joogitaankiisa Soomaaliya iyadoo la filayo inuu ciidamo dheeraad ah usoo diro dalka Soomaaliya.
Si kastaba, Kulanka Austin ayaa astaan u ah sida dowladda Mareykanka u daneyneyso arrimaha Soomaaliya, ugana go’an tahay inay gacan siiso dowladda federaalka Soomaaliya.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment