Kabo Qofka Indhoolaha caawinaya oo lasoo saaray! (Daawo Sawirro)

Bulsha:- Shirkad laga leeyahay dalka Austria ayaa dhawaan soo saartay kabo caaqil ah oo foodda looga rakibay jiheeye dareenside ah oo dadka araga la’ ka caawinaya inay ka hortagaan ama ka joogsadaan halisaha kusoo fool leh marka ay soconayaan.

Afar tallaab kahor qofka soconaya ayuu helayaa digniinta waxa looga digayo. InnoMake oo ah shirkadda sameysay kabahan waxay dooneysaa in laga guuro dhaqankii haraadiga ahaa ee kaalmaysiga usha si qofku ugu socdo oo aan og nahay in badan inay adeegsadaan. Habkan casriga ah wuxuu fududeynaya inuu qofku ka faa’iideysto muhiimadda tiknoolojiyadda madaama kabahani ay ku xiran yihiin bluetooth-ka mobilka uu qofku sito kaas oo siinaya farriimaha oo dhan.

Ilaa hadda InnoMake waxay kabahani u diyaarisay inay halista ka digaan, waxayse qorsheynaysaa in adeegsadaha laga caawiyo ogaanshiyaha nuuca halistu tahay sida gaari, gidaar iyo wixii la halmaala.

Markus Raffer oo kamid ah raggii wax ka sameeyey hal-abuurkan – kaas oo sidoo kale kamid ah kuwa aan helin nimcada araga ayaa yiri: “Ma ahan kaliya digniin waxa aan rabno inaan ogaano, sidoo kale waa inaan helno xogo nagu filan oo aan ku socdaali karno. Waayo war helaa, talo hela.”

Qiimaha la iibinayo kabahan ilaa hadda waa €3,200 ($3,850) halkii joogba. Waxaana gebi ahaan loo hindisay horumarinta habsocdaalka indhoolayaasha. Kabaha waxaa ku xiran kaamerad iyo sameecad ku wada xiran bluetooth-ka mobilka qofka xiran kabaha.


Waxaase dhici karta in xattaa qof kale oo aan la socon sitaha uu hagi karo ama uu siin karo tilmaamo caawin kara si uu u gaaro halka uu ku jeedo – iyada oo isla mar ahaantaana uu ka foojignaanayo halisaha lasoo gudboonaan kara.

Waxaa kale oo xusid mudan in kabahani aysan biyuhu waxba ka tarin oo ay iska caabin karaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment