BIGNEWS: USA oo xaqiijisay in Al Shabaab sameysteen diyaarado drone ah

Bulsha:- Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ururka Al shabaab ay bilaabeen adeegsiga diyaaradaha drones-ka loo yaqaano ee iyaga meelaha fog laga hago,iyadoo tan ay halis badan ku tahay weeraro ay ku qaado Xarumaha Dawlada Soomaaliya ku shaqeeyaan Madaxda Qaranka.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Maraykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in ururka Al shabaab ay haatan biloowday adeegsiga tijnoolajiyadda si ay u fuliso weeraro lagu hoobto.


Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergeyga Maraykanka u fadhisa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Al shabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka, si ay u sahmiso, una hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyada nugul.

Al shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Dawlada iyo Dawlad gobolleedyada dalka ka jira,iyadoo bishii hore Agoosto ay weerar ka fuliyeen caasimada Muqdisho ay hotel ku yaalla ay muddo 30 saac ah ka dhex dagaalamayeen.


Faah faahinada la helay iminka ayaa ah in Shabaab oo ah laan ka mid ah Urur weynaha Al Qaacida ay hadda isku diyaarinayaan sidii ay Dawlad Islaami ah unoqon lahaayeen,si la mid ah Daalibaan ay Afgaanistaan ula wadaageen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment