Mareykanka oo u diray Taiwan hub qiimihiisu yahay 1.1 bilyan iyo Shiinaha oo ka carooday arintaas

Bulsha:- Taiwan ayaa sidoo kale ka iibsanaysa Maraykanka nidaamka Raadaarka iyo gantaalada Mareykanka oo ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada difaaca jasiiradda.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, keenista hubka waa lagama maarmaan si loo sugo ammaanka Taiwan.

Shiinaha oo u arka in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah Shiinaha, ayaa arrintaas ka carooday. Sida laga soo xigtay Shiinaha, taageerada milatari ee Taiwan waxay khatar ku tahay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka iyo xasilloonida iyo nabadda marin biyoodka Taiwan.

Maraykanku waxa uu ka gaabsaday muddooyinkii danbe hadaladiisa ku saabsan Taiwan, ilaa uu Madaxweyne Joe Biden ka sheegay booqashadii uu dhawaan ku tegay Japan, in Maraykanku uu difaaci doono Taiwan haddii jasiiradda la soo weeraro.

Bil ka hor ayay ahayd markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqatay Taiwan.


Shiinaha ayaa ku jawaabay dhoolatus milatari oo ballaaran oo uu ka sameeyay meel u dhow Taiwan, wuxuuna joojiyay wadahadal uu la lahaa Mareykanka oo ku saabsan isbeddelka cimilada iyo arrimaha militariga, iyo waxyaabo kale.

Xigasho: AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment