Al-Shabaab oo gubtay gawaari raashin u waday magaalada Beledweyn.

Bulsha:- Dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay iney dhexda u gashay gawaari raashin u siday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo gubay gawaaridaasi, waxeyna sidoo kale dhaawacyo u geysteen qaar kamida dadkii la socday.

Sida wararku sheegayaan, Gawaaridan waxaa lagu qabtay degmada Maxaas, iyadoo waayaasha gawaarida iyo dad yar oo la socday lagu amray iney cagahoodaa maalaan, iyadoo dadka dhaawacyada la gaarsiiyay ay u badan yihiin wadayaasha gawaarida.

Dadka deegaaka qaarkood oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo amni darteed ayaa ku waramay iney horjoogyaasha kooxdaasi ay iska diideen in wadahadal laga gao in gawaari iyagoo nabad qaba ay raashinka geeyaan magaalada Beledweyn.

Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayaan qaybo ka mid ah deegaannada hoostaga maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kadib markii ay kordheen howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ee Macwiisleyda loo yaqaano.


Kooxda ayaa saacadihii u dambeeyey howlgallo qorsheysan ka fuliyey gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna burburisau ceelal, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo xarumaha isgaarsiinta ee ay ku xiriiri jireen dadka ku sugan deegaannada la weeraray.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment