Gabar aroosad ah oo la sii galbinayay oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Bulsha:-  Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ku dileen gabar aroosad eheyd oo xiligaasi u socotay hoolkii laga galbinayay.

Marxuumada la dilay oo lagu magacaabi jiray Caasha Daahir Xasan ayaa la toogtay daqiiqado yar kadib markii ay ka baxday goob dumarka lagu qurxiyo (Bukuyeer), xili ay ku sii jeeday hoolkii ay ka socotay xaflada galbinteeda ama guri geynteeda.

Hidaaya Ibraahim Faarax oo ah hooyada dhashay aroosada la dilay ayaa warbaahinta u sheegtay in sidoo kale la dhaawacay gabadha abtigeed oo xiligaasi la saarnaa mooto Bajaajta, waxaana weerarkaasi geystay Tuugo dhac u geysaneysay dadkan.

Wararka ayaa intaasi ku sik daraya in ciidamadda saldhigga booliska degmada Kaaraan ay gacanta ku soo dhigeen mid kamida ragii falkaasi dilka ah geystay, iyadoo la baadi goobayo kooxihii kale ee la socday ee weerarkaasi wax ka fuliyay.

Si kastaba, Hooyo Hidaaya ayaa laamaha amniga ee dowladda ka dalbatay iney cadaalada mariyaan dadkii nolosha dhaafiyay gabadheeda habeenkii aqal galkeeda, waxeyna tilmaamtay iney wali dareemeyso xanuunka ay ka qaaday naxdinta dilka gabadheeda.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment