Maraykanka: Pelosi oo sheegtay in Azerbaijan ay weerar gardarro ah ku qaadday Armenia

Bulsha:- Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ayaa booqasho ku tagtay dalka Armenia, waxayna cambaaraysa weeraradii ugu dambeeyey ee ay Azerbaijan ku qaadday dalka Armenia, iyada oo ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo “Sharci-darro ah oo dhimasho keenay”.

Weeraradan ugu dambeeyey ee ka dhacay xuduudda u dhexeysa labada dal ayay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Pelosi oo hadal ka jeedisay caasimadda dalka Armenia, ayaa sheegtay in Maraykanku uu taageersan yahay madaxbanaanida Armenia, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan.

Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa sheegtay in weeraradan ay bilaabeen Azerbaijan, ayna tahay in sidaas loo aqoonsado.

Pelosi ayaa sheegtay in weerarada noocan oo kale ah ee ay Azerbaijan ku qaadday dalka Armenia inay qayb ka yihiin weeraro ka dhacay meelo badan oo caalamka ah kuwaas oo u dhexeeya nidaamka dimoqraadiyadda iyo nidaamka awooddu ku urursan tahay cid gaar ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment