DF oo ku dhawaaqday shirweyne ka dhacaya laba magaalo midkood oo ka dhan ah Al-Shabaab

Bulsha:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shirweyne ku saabsan kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dalka ka billowday ee ay wadaan qabaa’ilka..

Shirkan ayaa waxaa maanta iclaamiyey wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay dhawaan qabaneyso shirweyne ay isugu imaanayaan beelaha kala duwan ee daga maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug kaasi oo ay wasaaradda sheegtay inuu ka dhici doono midkood magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne.

Wasiir Fiqi ayaa ballan qaaday in wasaaradda ay sii wadi doonto kulamada uu la qaadanayo oayaasha dhaqanka, wuxuuna tilmaamay inuu la kulmi doono odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeedo deegaanada Jubaland, Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi uu odayaasha kala hadlay sidii loo xasilin lahaa deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

“Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.


Kulanka wasaaradda iyo odayaasdha ayaa imaanaya iyadoo ay deegaanada Galmudug iyo HirShabelle ka socdaan kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan dadka deegaanka, waxayna dowladda Soomaaliya waddaa dadaalo ay kaga faa’ideysaneyso kacdoonkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto qabiil kasta oo la safato dowladda Soomaaliya, waxaana hadalkaas shalay sheegay afhayeenkooda Cali Dheere.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment