Abuu Mansuur oo la kulmay Wasiir Khadiija Diiriye iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen (Sawirro)

Bulsha:- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roobboow (Abuu Mansuur) uu wehliyo kuxigeenkiiisa ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulankan dhax maray labada wasiir iyo xubnaha la socday ayaa looga hadlay sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen labada wasaaradood iyo sidii looga arrinsan lahaa arrimaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiir  Roobow Abuu Mansuur kala hadlay wasiir Khadiija Diiriye in ay wanaajiso hab labiskeeda, sidoo kale wasaaradda ka digtoonaado arrimaha jinsiga gaar ahaan kuwa wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli hadal heyn badan uu ka dhashay sulwaal ay dhawwaan ku labisatay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye xilli ay dalka dibaddiisa u safreysay, waxaana labiskaasi dhaleeceeyay culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada qaarkood.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment