Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya

Bulsha:- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goor dhoweyd ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.


Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment