Masuuliyiin safar dhulka ah uga baxay Baledweyn oo gaaray Buulo Burte (Sawirro)

Bulsha:- Waxaa maanta safar dhulka ah ku gaaray magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle, kuwaa oo ka baxay magaalada Baledweyne.

Masuuliyiintan ka baxay magaalada Baledweyne waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , waxaana safarka qeyb ka ahaa saraakiil iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Gaadiid kala duwan ay la socdeen masuuliyiinta iyo dadka kale ee la socday ayaa si nabbad galyo ah ku gaaray magaalada Buulo Burte ,oo muddo sannado ah u go’doonsaneed dagaalyahanada Al Shabaab ayna adkeyd in safar dhulka ah lagu tago.


Ciidamada dowladda iyo ciidamo maleshiyaad beeleed ayaa xoog kula wareegay deegaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan, ciidankan ayaana go’doonka ka qaaday degmada Buulo Burte iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment