Iran: 75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini

Bulsha:- In ka badan 75 qof ayaa ku dhintay howlgallada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabar lagu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan ayaa imaneysa ayada oo dalalka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasmiga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen ayaa taagneyd 41 qof tan iyo Sabtidii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dalka ay gilgileen dibad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah.

Dibad-baxayaasha ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii September.

Mahsa Amini ayaa loo xiray inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saabsan xirashada xijaabka, waxayna ku geeriyootay gacanta booliska.

Sanandaj oo ah caasimadda gobolka galbeedka ee Kuridstan oo ay kasoo jeeday Mahsa Amini, haweenka ayaa ku dul boodayey baabuurta kadibna iska tuurayey qamaarka, sida ay muujiyeen sawirro ay daabacday hay’adda xuquuqda aadanaha Iran Human Rights (IHR) oo fadhigeedu yahay Oslo.


Dibad-baxayaasha Tehran ayaa iyagana ku qeylinayey “kaligii-taliska ha dhinto” ayaga oo ku baaqaya in lasoo afjaro in ka badan 30 sano oo uu dalka xukumayey hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei oo 83 jir ah.

Hay’adda IHR ayaa sheegtay in 76 qof lagu dilay howlgallada booliska, islamarkaana xayiraado lagu soo rogay internet-ka, oo ay ku jiraan in la xanibay Instagram iyo WhatsApp.

Saraakiisha ayaa sheegay inay Isniintii xireen 1,200 qof. Dadkaas ayaa waxaa ku jira kuwa u dhaqaaqa arrimaha bulshada, qareeno, suxufiyiin iyo dibad-baxayaal kale.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment