Xildhibaano dalbaday in hay’adaha Amniga lagula xisaabtamo weerarkii dhacay

Bulsha:- Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee kusoo batay magaalda Muqdisho & weerarkii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat oo kuyaalla agagaarka isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur madoobe oo Maanta furay Kulanka Golaha Shacabka ayaa

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ka hor kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay hotelka Xayaat si arxan darro ah loo dilay.

Xildhibaannada kala ah Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) iyo Mustaf Dhuxuloow ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortagto weerarada ay hotelada u geysanayaan Al-Shabaab.

Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) ayaa sigaar u sheegay in aan loo baahneyn in dad yar oo kooban muddo 24 saacadood ah Guri lagu rasaaseeyo, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lala dagaalamo ama leysku dhiibto.




Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ula yaabay dhibaatadii laga maray weerarkii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, isla markaana loo baahan yahay qorshe cad oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment