Daawo: Gabadha ra’iisul wasaaraha ka ah Finland oo laga duubay muuqaal qarsoodi ah oo caro dhaliyey

Bulsha:- Ra’iisul waasaraha Finland ayaa Jimcihii sheegtay inay martay tijaabada la xiriirta hubinta in jirkeedu uusan ku jirin wax daroogo ah siiba nuuca la yiraahdo Marijuana, kadib muuqaal si qarsoodi ah looga duubay uu muran badan dhaliyey. 

Sanna Marin ayaa ku celisay inaysan weligeed isticmaalin wax maandooriye ah, kaddib markii muuqaal laga baahiyay iyada oo damaashaadeysa uu ku baahay baraha bulshada. 

Sanna Marin, oo 36 jir ah, waxay sidoo kale sheegtay inay awood u leedahay inay xejiso mas’uuliyadda qaran oo ay dadkeeda u heyso oo ay u caaboon tahay gudashada shaqadeeda. 

Muuqaalka oo si aan loogu tala-galin ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Marin oo la qaab ka cayaaraysa koox saaxiibadeeda ah iyo dad caan ah, waxaana uu usoo jiiday cambaareyn xooggan. 

“Maalmihii dhawaa, waxaan la kulmay dhaleeceymo dadweynaha iiga imaanayay oo ay igu tuhmayaan inaan isticmaalka daroogada xageeda u janjeero amaba aan isticmaalo,” ayay Sanna Marin u sheegtay warfidiyeenka. 

“Waxaan u qaadanayaa eedeymahan si dhab ah – in kasta oo dalabka inaan tijaabada daroogada maro ay iila muuqatay mid aan caddaalad ahayn, haddana si loo shaki baxo awgeed ayaan u maray; natiijada waxaan filayaa inay soo baxdo toddobaad gudihiis,” ayay sii raacisay. 

Hoggaanka Xisbiga Social Democrat ayaa sheegay in Sanna ay habeenno badan la cawayn jirtay saaxiibadeeda – muuqaalkana lagu duubay meel gooni ah oo ay iskugu yimaadaan. 

Sanna waxay qiratay inay habeenkaas qamro cabsaneyd. Waxaase ay gaashaanka u daruurtay wararka sheegaya inay daroogo qaadatay. Waxay xattaa tilmaantay inaysan arag saaxiibadeeda midkood kamid ah oo daroogo isticmaalaya. 

“Weligay intaan jiray – dhalinyaranimadaydii – xattaa ma isticmaalin daroogo,” ayay tiri. 

Sanna ayaa noqotay hoggaamiyihii ugu da’da yaraa adduunka ee dowlad madax ka noqda bishii December 2019. Waxayna wajahaysay baaqyo ku adkeyn ah oo kaga imaanaya xubnaha mucaaradka kuwaas oo ugu yeeraya inay marto tijaabo kadib markii uu baahay muuqaalka. 

Bishii December 2021, waxaa kursigeeda gilgilay eedeymo qiil muuqda loo heli karo kadib markii la ogaaday inay caways ku gaarto xilli dambe – iyada oo weliba lagu jiro xayiraadda Covid-19. 

Ra’yi ururin markaas la sameeyey in lagu ogaanay aragtida dadweynaha ayaa muujiyay in aad looga xumaaday ficilkeedaas. 

Laakiin marwalba waxay dhexda uga jirtay ismaandhaaf. Dad badan ayaana siiyay xaqqa ah inay ku raaxaysato nolosheeda – halka in kale ay ku tilmaameen wax aan ku qaadmin qof dhan oo Ra’iisul wasaare ah. 

Hase yeeshe, marnaba maka habsaamin shaqadeeda qaranka. 

Kuwa dhaleeceynaya ayaa ku andacoonaya in Sanna ay diiradda saarto xaaladda sida halhaleelka ah isku beddeli karta ee gobalka ka jirta oo ay xafladeynta badan joojiso. 

Dalka Finland wuxuu xuduud dheer la wadaagaa Ruushka, wuxuuna sida Sweden codsaday xubinnimada NATO si ay uga samata-baxaan hubaal la’aanta ay dhex taagan yihiin. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment