Gabar uu dhalay nin lagu tilmaamo Maskaxda Putin oo qarax lagu dilay (Sawirro)

Bulsha:- Qarax ka dhacay meel ku dhaw magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka ayaa lagu dilay gabar uu dhalay siyaasi si weyn looga yaqaan Ruushka ,saaxiib dhawna la ah madaxweynaha dalkaasi Vladamir Putin.

Gaari ay wadatay Alexander Dugin ayaa qarxay xilli ay socotay wado kutaala magaalada Moscow, waxaana qaraxan la sheegay in ay ku dhimatay  gabadhan uu dhalay nin lagu tilmaamo in uu yahay Maskaxda Madaxweyne Putin, saaxiib dhawna la ah Madaxweynaha.

Warar ay baahiyeen warbaahinta qaar ayaa sheegaya in qaraxa la doonayay in lagu dilo ninka aadka ugu dhaw Madaxweyne Putin, waxaana la sheegay in qorshuhu ahaa in gaariga wada raacaana gabadha iyo aabaheed balse markii dambe isaga haray.

Muuqaal lagu soo wadaagay barta Telegram oo aan la ogeyn in uu sax yahay iyo in kale, ayaa Mr Dugin oo ku sugan qeybta adeegga deg degga ah uu u muuqday qof argagaxsan, kadib markii uu arkay sida uu u gubtay gaariga lagu weeraray gabadhiisa.


Ciidamaa dambi baarista Ruushka ayaa bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan qaraxan ka dhacay magaalada Moscow, waxaana la adkeeyay amaanka aabaha dhalay gabadha qaraxa la dilay oo la tuhmayo in ujeedku ahaa in isaga la dilo.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment