Deni oo saraakiil Itoobiyaan ah kula kulmay Garoowe

Bulsha:- Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil kale.

“Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Dowladda Itoobiya ayaa kordhisay xiriirka iyo la macaamilka ay la sameyneyso dowlad goboleedyada Soomaaliya wixii ka dambeeyey markii dabayaaqadii bishii tegtay ay Al-Shabaab billaabeen weerar ay ku qaadeen gobolka Soomaalida Itoobiya.

Horey ayey sidoo kale saraakiil Itoobiyaan ah Baydhaba ugula kulmeen madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayada oo kadibna Laftagareen uu booqasho ku tegay Itoobiya.


Kulamadan ayaa imanaya ayada oo mugdi uu ku jiro xiriirka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday dhammaan dalalka gobolka tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaan weli booqan Itoobiya oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale booqday dalka Masar oo Itoobiya ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment