Maxaa keenay qorshaha lagu hubaynayo qaar ka mida macalimiinta dugsiyada Maraykanka?

Bulsha:- Iyada oo haatan lagu guda jiro xilligii ay ardayda ku nool dalkan Maraykanku ay dib ugu noqonayaan dugsiyada, ayaa waxa haatan la qorsheeyey in kor loo qaado, ilaalinta ammaanka ee dugsiyada.

Qaar ka mida maamulka gobollada ee dalkan Maraykanka ayaa qorsheeyey in macalimiinta dugsiyada la hubeeyo, si ay ardayda u difaacaan, haddii uu dugsiga soo weeraro qof wax tooganaya.

Illaa haatan lama oga waxa tallaabadani ay ka tari karayso, haddii toogasho ay ka dhacdo dugsi ay macalmiintiisu hubaysan yihiin.

Hase ahaatee, waxaa bilahan u dambeeyey waxaa soo badanayey, in kor loo qaaddo ammaanka dugsiyada Maraykanka oo ardayda iyo shaqaalaha dugsiyada dawladdu ay ka badan yihiin illaa 50 milyan oo arday, shaqaale iyo macalimiin isugu jira, ka dib markii uu bishii May ee sannadkan uu nin hubaysani 19 caruur ah ku dilay dugsi ku yaalla gobolka Texas ee dalka Maraykanka.


Dalka Maraykanka ayay caado ka noqotay in dad hubaysani ay weeraro ka geystaan dugsiyada dawladda iyaga oo marar kala duwan ku xasuuqay arday, macalimiin iyo shaqaalaha dugsiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment