Lix sano ka dib, Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya xidhiidhkoodii

Bulsha:- Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa haatan qorshaynaya inay dib u soo celiyaan xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed muddo haatan ku siman lix sannadood oo uu xumaa xidhiidhka u dhexeeya labadan dal.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa haatan qorshaynayaa inuu dib ugu celiyo dalka Iran safiirkiisa u fadhiyey magaalada Tehran, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta, arrintan oo u muuqata inay tahay tallaabo uu Imaaraadka Carabtu ku dardargelinayo dedaallada la doonayo in lagu wanaajiyo xidhiidhka ay la leeyihiin dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahisay in Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan dalka Iran, Saif Mohammed Al Zaabi, uu dib ugu laaban doono magaalada Tehran maalmaha soo socda si uu "u sii wado xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labadan dal ee deriska ah” horay loo sii wado si loo gaaro danaha guud ee labada dal ee deriska ah iyo gobolka,".



Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dublamaasiyiinta Mareykanka iyo Iran ay hadda doonayaan inay soo gebagebeeyaan wadahadalo u socday muddo 16 bilood oo ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa heshiiskii hubka nukliyeerka dalka Iran ee ay sannadkii 2015 wada gaadheen, dalka Iran iyo quwadaha caalamiga ahi, taas oo markii dambe uu ka baxay dalka Maraykanku.

Wakaaladda Wararka ee AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment