Mukhtaar Roobow oo xog ka bixiyey arrin la xiriirta Al-Shabaab iyo SOMALILAND

Bulsha:- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansoor) oo haatan ah wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo la xiriira Al-Shabaab, kadib weerarkii xooganaa ee ay ku qaadeen dhismaha hoteelka Xayaat.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa soo hadal qaaday arrin xasaasi ah oo ku aadan sababta keentay in kooxdaan ay weeraro uga fulin weysay deegaannada Somaliland.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in reer Somaliland ay muujiyeen midnimo, ayna ka wada shaqeeyeen amnigooda iyo horumarkooda, isaga oo ku baaqay in sidaas oo kalena ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda federaalka ah.

Sidoo kale wuxuu xusay haddii qof weliba xogta uu hayo la wadaago laamaha amniga, kadibna la qaado tallaabo ka hoteg ah in laga guuleysan karo kooxda Al-Shabaab.

“Miisaalbaa idin sheegayaa Somaliland waa tanoo nagama dheera hal shey waa laga fulin waayey, sabab dadkaa isku duuban kan geel jiraha ah iyo kan ganacsigaa iyo maamada guriga joogto qof walba waxa uu arko oo dareen geliyo ayuu soo sheegayaan waxba waa laga sameyn waayey” ayuu yiri Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku sii ku daray in la sameyn karo dadaalka ay sameeyeen reer Somaliland, ayada oo la muujinayo midnimo, si la’isaga difaaco Al-Shabaab.

“Intaas iyo ka badan waa la sameyn karaa, marka hore horta midnimada in la soo ceshado si loo wajaho waxa meeshaan ka jiro,” ayuu sii raaciyey.


Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalin ka hor ay Al-Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo, islamarkaana qaatay saacado badan ku qaadeen hoteelka Xayaat ee Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment