Xaaladda dadkii ka barakacay dagaallada Hiiraan oo laga deyrinayo & mas’uuliyiin booqday

Bulsha:- Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Bashiir Cabdiraxman sheekeeye iyo masuuliyiin ka’tirsan Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo u Hogaaminayo wasiirka cafmaadka Maamulkaas ayaa maanta kormeeray kaamam aay ku sugnaayan shacabkii ka soo Barakacay dagaallada u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dadka oo kasoo barakacay  degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka hiiraan ayaa qaarkood waxaa dhawaan guryahooda gubay, isla markaana duugay ceelkii biyaha ay ku cabi lahaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa warbixin ka siiyey masuuliyiinta xaalada Barakacyaasha xubnaha wasiirada ee madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle u xilsaaray Xaqiijinta xaaladaha deganada laga saaray Al-Shabaab iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa Bulshadda.

Guddoomiyaha Degmada Matabaan aya xusay muhiimada ay leedahay in shacabka loo fidiyo gargaar Dowladnimo oo dhameeystiran maadaama dhibaatooyin badan aay u geeysteen shacabka Birimageey’dada ah Al-Shabaab oo guryihii iyo ceelashii ka aaseen.

Degaanno badan oo hoostaga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii la so dhaafay waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyada oo laga deyrinayo dadka ka barakacay dagaalladii dhex-maray Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment