Raila odinga oo go’aankiisa ku dhawaaqay kadib guushii William Ruto

Bulsha:-  Raila odinga oo ka mid ahaa murashaxiintii aadka ugu tartamay doorashada madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu shir jaraa’id uu qabtay galabta waxa uu ka hadlay sida uu u arko doorashada natiijadeeda la shaaciyey.

“Go’ankayagu[Azimio la umoja], waa cadyahay, Tirada iyo natiijada uu sheegay Chakobati ee Doorashada, waa mid aan jirin oo aan la qaadan karin” ayuu yiri Raila Odinga oo maanta la hadlay saxaafada.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri Raila “Waa in aan marinaa, hababka iyo dariiqyada sharciga si aan u xaqiijino inay tahay waxba kama jiraan”

Waxaana leenahay “cadaaladu waa imaanaysaa”

Raila ayaa diiday natiijada,xilli shalay maqribkii guddiga IEBC-da ee doorashada qabtay ay shaaciyeen in William Ruto uu noqday madaxweynaha cusub ee Kenya.

Lama saadaalin karo,waxa xigi doona arimahaas iska soo horjeeda xilli Raila uu cod dheer ku sheegayo in la khiyaameeyey doorashada codadkeeda.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment