Sheeko:- Nin taksiile ah ayaa wuxuu dhahay waxaan soo qaaday Maamo wayn iyo gabadheeda.

Bulsha:- Nin taksiile ah ayaa wuxuu dhahay waxaan soo qaaday Maamo wayn iyo gabadheeda.

Gabadha waxay ka hadlaysay ninkeeda dhibka uu ku hayo, inuu mararka qaar iska xanaaqayo markay sameyso wax uusan u sheegin Maamadii waxay ku tiri gabadheeda sida uu yahay ninkaaga kula dhaqan

fiiri aniga iyo abahaa 30 sano ayaan is qabnaa,nolosheena waa caadi dhib kama jiro waana is fahanaa sababta mataqanaa wax walbo uu yiraahdo waxaan ugu jawaaba waayahay xaaji waan sameynayaa  anigoo dareensiinayo inuu asaga i xukumo laakiin waxaan sameyaa waxa aan aniga rabo.

Ma ogtahay  ragga waa doqomo markay is xanaajiyaanba hal eray aad tiraahdid ayay ku dagayaan ama ku aamusayaan?

Taksiilihii wuxuu dhahay islaantii way iga xanaajisay dhiig karna way igu riday anigoo is xanaajinayo ayaan fiiriyay meesh ay fadhiyeen Islaantii markay i aragtay waxay igu tiri adiga kuma jirtid wiilkayga qof aqli badan ayaad tahay Allaha ku dhawro.


Anigoo dhoola cadeynayo ayaan sii jeestay mise waxaan maqlay ayadoo cod hoose ku leh ma aragtaa doqonimadiisa hal eray ayuu ku aamusay 😆


XIGASHO: Eng Abdulaziz Addow.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment