Dagaal mar kale ka dhex qarxay dowladda Itoobiya iyo TPLF


Bulsha:- 
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega.

"Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday," ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaciyay "Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore."

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yiri "Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed"

Telefishinka Tigrai, oo ah warbaahin ay maamusho Tigray, ayaa sheegay in "ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaaran abbaaro 5:00 subaxnimo."

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojintii la wada sugayey tan iyo bishii March, waxaana uu dhaawac weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayey in lagu bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, oo ah xisbiga maamula Tigrayga.

Dagaalkan ayaa waxa uu barakiciyey malaayiin qof, waxana uu qaybo kamid ah gobolka Tigrayga ka dhigay macaluul, iyadoo ay ku dhintay kumannaan shacab ah.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment