Baaqashada Roobabka Soomaaliya sanadkii shanaad oo xiriir ah oo sare u qaadi karta musiibooyinka abaaraha

Bulsha:- Abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika in ka badan 40 sano ayaa u muuqata inay sii socon doonto kadib markii Hay'adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ay sheegtay Jimcihii in saadaasha bilaha Oktoobar iyo Disembar ay muujinayso suurtagalnimada xaalado qallalan ka sarreeya kuwii hore.

Saadaasha ugu dambeysay waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca hay’adaha gargaarka oo bilihii lasoo dhaafay ka digayay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaarta ka jirta Itoobiya, Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid tahay halista macluul kale oo ka dhacda Soomaaliya kadib mid halkaas ka dhacay toban sano kahor oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof.

“Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, waxaan qarka u saaranahay masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag,” ayuu yiri Guleid Artan, Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Urur ICPAC.

Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, waxaana sabab u ahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine, kaasi oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in inka badan 80 milyan oo qof oo ku nool toddoba waddan ee ku yaalla gobolka – Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda – lagu qiyaasay inay haysato cunto yari.


Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ahaayeen carruur.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment