Ragga Iskaabulanimada ku gaara 35 sano oo khatar wayn ku jira

Bulsha:- Arrimahan waxaa lagu ogaaday daraasado badan oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa daraasadahaas ka mid ah mid ay soo saartay Jaamacadda Caafimaadka ee Stanford, oo ku taalla Mareykanka, taasoo cilmibaaris iyo qiimayn ku samay in ka badan 40 milyan oo carruur markaas dhalatay ah.

Inkastoo ay yar yihiin dadka ka war qaba xogta ku saabsan taranka bani’aadanka, haddana waxaa war wanaagsan ah in khubaradu ay ku talinayaan in dadka ay baaritaanno sameeyaan marka hore si ay uga hor tagaan khatarta ku imaan karta carruurtooda cusub.

Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku taqasustay taranka bani’aadanka, xubinna ka ah kooxda caafimaadka ee isbitaalka São Luiz Itaim Hospital ee magaalada São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah ula kulanto ragga jecel in ay carruur yeeshaan.

“Waxaa ii yimid niman kor u dhaafay da’da 50 ilaa 60 sano oo guursaday dumar dhallinyaro ah islamarkaana doonaya in uur loo qaado,” ayay tiri.

“Su’aasha ay I waydiinayeen waxay ahayd: “maxay tahay khatarta ay la kulmaan ragga iyagoo da’doodu wayn tahay aabbeyaasha noqonaya?.”

“Sida guud, unugyada taranka ee ragga iyo kuwa dumarka waxay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan,” ayay tiri. “Halka ay dumarku ka leeyihiin unugyo taran oo xaddidan, raggu unugyadooda way shaqeeyaan inta ay nool yihiin oo dhan.”

Haddaba unugyada ay shahwada ka samaysanto kama dhammaadaan ragga balse waxaa yaraata tayadooda, taasina waxay ku billaabataa da’ cayiman, sida ay sheegtay Dr. Zacharias.

Inta ay da’da kor usii socoto, xaqiiqdu waa in unugyada ay sii yaraanayaan, wax tarkooduna uu sii daciifayo, sidaasna waxaa ku dhalanaysa khatarta soo food saari karta carruurta dhalanaysa.

Daraasado kala duwan ayaa isku raacay in xitaa haddii uu ilmaha ka badbaado cudurrada qaar, waxa uu weli halis ugu jiraa xanuunno dhinaca neefsashada ah iyo dhaawac maskaxeed oo uu sababo cudurka autism-ka.

Daraasad soo baxday 2018-kii oo ay daabacday Jaamacadda Stanford ayaa shaaca looga qaaday in “nin kasta ninka uu ka wayn yahay ay ilmihiisa ka caafimaad xun yihiin.”

Ragga 35 jirka ka wayn ayay u badan tahay inay xaasaskooda dhalaan ilmo aad u miisaan yar, islamarka ay dhashaanna waxaa laga yaabaa inay u baahdaan qalabka neefsashada.

Boqolkiiba 14 ka mid ah ragga ka wayn 45 sano ayaa iyaguna ilmahooda waxay u badan yihiin inay dhicis ku dhashaan, sida ay daraasaddan muujisay.

Khubarada seynisku ilaa hadda ma oga sababta ay arrintan ku dhacdo.

.

Office Nairobi Kenya

 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment