Markale:- Itoobiya oo koronto ka dhalisay marawaxadda labaad ee biyo-xireenka weliga Nile

Bulsha:- Itoobiya ayaa Khamiistii bilowday inay koronto kasoo saarto marawaxadaha labaad ee biyo-xireenkeeda weyn ee Nile maalintii Khamiistii, inkasta oo Masar iyo Suudaan ay weli diidan yihiin mashruucan.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hannaan saddexaad oo lagu buuxinayo biyo-xireenka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (GERD) oo ay ku baxayso balaayiin doollar, taasoo ah arrinta keenay in Masar ay bishii hore ay mudaaharaad hor keento golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Talaabadan Khamiistii, ayaa timid iyadoo aan wali heshiis laga gaarin xiisadda Itoobiya iyo dariskeeda Sudan iyo Masar ee ku saabsan howlaha biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam.

Laakin Abiy ayaa damcay in uu labada dal u xaqiijiyo saameynta uu yeelan doono mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, waxaana uu ku baaqay in wadaxaajood lagu gaaro isfaham.

“Xaalad kasta oo kale ma joojinayso waxa aan bilownay, waana wax aan waxba tarayn,” ayuu yiri Ahmed oo intaas sii raaciyay "Waxaanu marar badan u sheegnay wadamada hoose, gaar ahaan Masar iyo Sudan, in anagoo awood ka dhalinayna aan horumarinayno dhaqaalaheena, sidoo kale (rabitaankayaga) inaan aragno muwaadiniinteena mugdiga ku nool inay arkaan iftiin," ayuu yiri Abiy Ahmed, oo intaas raaciyay "Ma jirin ujeeddo la doonayo in la dhinac dhigo oo lagu waxyeelleeyo" dalalkaas, ayuu yidhi.


Intii ay socotay munaasabad laga sii daayay taleefishinka Itoobiya, ayaa la arkayay Abiy oo riixaya badhan si uu u soo saaro marawaxadii labaad.

Mashruucan ayaa waxaa bilaabay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, oo kasoo jeeday mowmiyadda Tigreegii, xukumayayna Itoobiya in ka badan 20 sano ilaa uu ka geeriyooday 2012-kii.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment