Odayaasha Daalan iyo Roobow oo farriin siyaasadeed culus u diray Laftagareen + Sawirro

Bulsha:- Kulan farriin siyaasadeed xooggan loogu diray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid hormuudka siyaasadda Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Maxamed Aadan Fargeeti, Ilyaas Xasan Cali iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. 

Hase yeeshee, shakhsiag ka qeyb-galkiisa ay hadla haynta xooggan abuurtay ayaa ahaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan laga soo daayey xabsi uu ku jiray saddex sano iyo bar kadibna lagu abaal-mariyey xil wasiir. 

Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Siyaasiyiintan Koonfur Galbeed iyo kii ugu horreeyey ee uu ka qeyb-galo Sheekh Mukhtar Roobow oo xirnaa shirkoodii hore oo looga dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Laftagareen.

Shirka ayaa lagu sheegay munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Roobow, hase yeeshee Caasimada Online ayaa fahamsan in kulanka uu ahaa mid farriin iyo cudud siyaasadeed loogu dirayo Laftagareen kahor doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed. 

Doorashada ayaa dhaceysa bisha December, waxaana jira tuhun ah in Laftagareen isku dayi doono inuu xukunka ku dhego ama qabto doorasho ku shubasho ah.

Laftagareen ayaa hadda dareemaya go’doon siyaasadeed ayada oo madaxweyne Farmaajo oo gaystay Baydhaba laga qaaday kursiga Villa Somalia, islamarkaana aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in madaxweynaha Koonfur Galbeed isku dayayo inuu isbaheysi la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale iyana aan xiriir wanaagsan la laheyn Villa Somalia, si ay ciidankeeda ugu hayaan Baydhaba. 

Laftagareen ayaa toddobaadkan kasoo laabtay Itoobiya oo uu sheegay inuu kusoo yeeshay shir ku saabsan amniga kadib markii Al-Shabaab ay Itoobiya ka weerareen xuduudda gobolka Bakool, balse waxaa la rumeysan yahay in kulamadaas ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen arrimo siyaasadeed.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment