41 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Qaahira

Bulsha:- Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay dab maanta oo Axad ah ka kacay kaniisad ay leeyihiin koox diimeedka Copts oo ku taal caasimadda Masar ee Qaahira, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta kaniisadaha, iyadoo ilaa hadda aysan caddeyn sababta dhalisay dabkan.


Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay inuu howlgaliyay dhammaan adeegyada dowladda si dhacdadan loo baaro, loona caawiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay.

Ciidamada dab damiska ayaa markii dambe sheegay in la xakameeyay dabka.

Copts waa bulshada ugu badan ee Masiixiyiinta ah ee Bariga Dhexe, waana ugu yaraan 10 milyan oo ka mid ah 103 milyan ee dadka Masar, waxayna marar badan la kulmeen weerarro, iyaga oo ka cawday takoor lagu hayo.

Sisi, oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar oo ka qeyb gala isku imaatinka Masiixiyiinta Coptic ee sanad kasta, ayaa dhawaan u magacaabay garsooraha Coptic inuu madax ka noqdo maxkamadda dastuuriga ah markii ugu horeysay taariikhda dalka Masar.

Masar ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka dhacay dhowr dab oo ay dad ku dhinteen.

Bishii Maarso 2021, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay warshad dharka samaysa oo ku taal duleedka bari ee Qaahira.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment