Mareykanka oo xasillooni ugu baaqay shacabka Kenya

Bulsha:- Mareykanka ayaa Talaadadii ku boorriyay shacabka Kenya inay is-dejiyaan oo ay dulqaad muujiyaan, maalin kadib markii William Ruto lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, isaga oo isla markiiba loollan ku aaddan natiijada doorashada kala kulmay Raila Odinga oo la tartamay.


"Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan si nabad ah in lagu xalliyo walaac kasta oo jira oo ku saabsan doorashooyinka, iyada oo loo marayo hababka xallinta khilaafaadka ee jira," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

"Waxaan ka codsanaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan ku boorrinta taageerayaashooda inay nabad ahaadaan oo ay ka fogaadaan rabshadaha inta lagu jiro habka doorashada," ayuu raaciyay Price.

Odinga ayaa waxaa si dirqi ah uga adkaaday tartankiisii shanaad ee uu ugu tartamayo xilka ugu sarreeya Kenya madaxweyne ku xigeenka Ruto, oo 55 jir ah, kaas oo Isniintii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha la doortay isaga oo kaga guuleystay codad dhan 230,000 oo cod, oo ah wax ka yar boqolkiiba laba tirada guud ee codadka.

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee 77-jirka ah ayaa natiijada codbixintii 9-kii Ogosto ku tilmaamay mid "waxba kama jiraan" ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu si cad ugu dhawaaqo inuu dacwad u gudbin doono maxkamadda sare.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in la khiyaanay tartamadii hore ee guuldarradu kasoo gaartay.


Ma jirto doorasho aan natiitiijadeeda lagu murmin oo ka dhacday Kenya, tan iyo 2022, waxaana murankaas uu horseeday dhiig daatay, waxaana rabshadihii ugu xumaa ee doorashada Kenya ay dhaceen kaddib codbixintii 2007-dii, markaasoo in ka badan 1,100 qof ay ku dhinteen rabshado u dhexeeyay qabaa'il iska soo horjeeda.

AFP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment