Elon Musk oo sheegay inuu iibsanayo kooxda Manchester United

Bulsha:- Elon Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo kooxda kubadda cagta Manchester United, isagoo aan bixin tafaasiil ah oo la xiriirta beeca kooxdan.


“Waxaan iibsanayaa Manchester United, soo dhawoow,” Ayuu Musk ku yiri Twitter-ka. Manchester United waxaa maamula qoyska Glazer ee Maraykanka, iyada oo qoyskan iyo Musk midkoodna isla markiiba ka jawaabin codsi ay hadalkan kaga bixinayaan faah-faahin dheeraad ah.

Musk waxa uu leeyahay taariikh maaweelo ah uu soo dhigo Twitter-kiisa, mana cadda haddii uu qorsheyno inuu sii wado heshiis uu ku xaqiijinayo inuu ku iibsado kooxda Manchester United.
Wargeyska The Daily Mirror ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sannadkii hore qoray in qoyska Glazer ay diyaar u yihiin inay iibiyaan naadiga, haddii loo soo bandhigo in ka badan 4 bilyan oo gini oo u dhiganta $4.84 bilyan dollar.

Musk ayaa hadda isku dayaya in uu ka baxo heshiis 44 bilyan oo doollar ah oo uu ku iibsanayo shirkadda baraha bulshada ee Twitter, taas oo hadda maxkamad la tiigsatay.

Manchester United waa mid ka mid ah naadiyada kubbadda cagta ee ugu taageerada badan adduunka, waxayna ay 20 jeer ku guulaysteen horyaalka England, iyada oo saddex jeer ku guulaysteen koobka kooxaha qaramada yurub oo ah tartanka ugu qiimaha badan ee naadiyada adduunka.

Taageereyaasha Manchester United ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka mudaaharaadayay qoyska Glazers oo kooxda ku iibsatay lacag dhan 790 milyan oo gini oo u dhiganta 955.51 milyan oo gini sanadkii 2005, iyada oo kooxdu ay ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, halka kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City ay ku guuleysatay horyaal labaad oo xiriir ah.


Majaladda Forbes ayaa hantida Musk ku qiyaasay $270 bilyan, iyado oo taageereyasha Manchester United ay ku qal-qaalinayeen in intii uu iibsan lahaa Twitter uu iibsado Manchester United.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment